Shirkada Isgaadhsiinta Hormuud iyo Al shabaab oo yeeshay kulan lagaga hadlayo isticmaalka adeegii Internet-ka‏ ee Mobelada.

Muqdisho (berberanews)Waxaa soo ifbaxaya in kulamo ay yeesheen saraakiisha Shirkada Isgaadhsiinta Hormuud iyo Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa kulan, kaasi oo looga hadlay xanibaada Internedka Hormuud ku yeeshay qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.

hormuud

Adeega Howlaha Internetka ee dhanka Mobilka ayay jartay Shirkadda Isgaadhsiinta Hormuud , kedib Go’aan ay shabaab soo saareen oo lagu amray in la joojiyo isticmaalka adeegaas.

Al-Shabaab ayaa dalabatay in loo kordhiyo dhaqaalaha dhanka cashuuraadka ah ee ay ka qaadaan shirkadaha Xarumaha ay Al-shabaab ku sugan yihiin ugu yaala.

Waxaa la rajaynayaa wadahadaka iminka u socda labada dhinac  inuu dib u soo celiyo Interne-kii lagu isticmaali jiray Mobelada ee GPRS oo Muddo ku Bil ah aysan Bulshadu isticmaalin.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland