“Adeer wax jira maaha in Maraakiibtaa Sunta ku daadiyey Laas-qoray aannu heshiis la galnay waa been..” Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland

Hargeysa(Berberanews):-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa markii ugu horraysay Wargeyska Himilo u xaqiijiyey jiritaanka Maraakiib la sheegay inay Xeebta Laas-qoray ee Somaliland ku daadiyeen toddobaadkii hore Sun iyo walxo kale oo wasakhaysan, waxaanu sheegay inaanay waxba ka qaban karin Gaadiidka Shisheeyaha ee Baddeenno u soo dhoofiya Kiimikooyinka iyo walxaha ka hadha waxyaabaha ay Wershadaha reer Galbeedku farsameeyaan.

WASIIR BUUREED

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kharaadka Badda Somaliland Cali Jaamac Buureed oo isagoo ku sugan magaalada Hargeysa fiidkii shalay Khadka Teleefanka ugu warray Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska HIMILO ahna Tifaftiraha Shabakadda Aftahannews, ayaa ka warramay Maraakiibta Sunta k daadiyey Biyaha Laas-qoray ee Bariga Sanaag, Markab Kalluumaysi Masar laga leeyahay oo dhawaan Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland ku qabteen Badda Saylac oo lagu xidhay, kaasoo uu sheegay inay heshiis la galeen, ka dib markii buuxiyey  shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo ugu horreyn la weydiiyey waxa ay Wasaarad ahaan kala socdaan Maraakiib ay dadka reer Laas-qoray soo weriyeen inay Sun ku daadiyeen Xeebaha Laas-qoray, waxa uu ku jawaabay; “Annagana sidaas oo kale ayey noogu soo sheegeen dadka deegaanku dorraad ayay joogeen, Nimankaa reer Yurub ee awoodda sheeganaya ee meel walba galaya weeyaan sidaannu filayno. Tamartuna way iska yar-tahay, Ciidanka ilaalada Xeebaha waad ogtahay awooddiisa. Laasqoray, Ciidan ilaalada Xeebaha Somaliland ka tirsan baa jooga xataa Laash ma haystaan iska daa wax kaloo, inay arkaan oo ay soo sheegaan mooyaane wax ay ka qaban karaan ma jirto.”

“Mana aha kuwan oo keliya ee way soo galaan, waa la soo sheegaa, laakiin waxaynu awood ahaan ka qaban karno ayaa iska yar. Markaa, hadda waxay dawladda Somaliland sugaysaa oo ay dirtay Markab iyo Laashashka dheereeya ee Xeebaha lagu ilaaliyo, kuwaasi markay innoo yimaaddaan Ciidammada ilaalada Xeebuhu waxay awood u yeelan karaan inay qabtaan cid kasta oo dhibaato ula socota Baddeenna ama kuwo guranaya khayraadka Baddeenna ha noqdaan ama kuwo Sun daadinaya ha noqdaane.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysigu.

Waxaanu Wasiir Buureed intaas ku daray oo yidhi; “Markaa, illaa ay Ciidanka ilaalada Xeebuhu awooddaa iyo Gaadiidkaas helaan oo dhinac walba laga dhiso innooma suuragalayso inay sidii loo baahnaa ammaanka Badda u sugaan Ciidanka ilaalada Xeebuhu, dee inta ka horraysana Nin kaa xoog-weyni hortaa buu cadhoodaa baa la ydihi; waxba kama qaban karno, inkasta oo ay taaggooda aad u dedaalaan Ciidanka ilaalada Xeebuhu, haddana waxaanay ka gudbi karin baa jira oo ah inay awooddaa aan kuu sheegay yeeshaan.”

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey heerka Saamaynta Suntaa la sheegay inay Maraakiibtaasi ku daadiyeen Xeebaha Laasqoray, waxa uu yidhi; “Kollay markasta waxay kugu kordhiyaan-ba waa dhibaato, hadday Khayraad ay kaa boobayaan tahay, Xaalufin deegaan, mid khayraad iyo inay deegaanka Badda wasakheeyaan ayey keeni kartaa. Markaa, kollay-ba dhibaato la’aani ma jirto ee in dhibaato innoogu filan dad ahaan, deegaan ahaan iyo khayraad ahaanba way inna gaadhsiinayaan.”

Sidoo kae, Wasiirka oo la weydiiyey inay isku dayeen haba-yaraatee inay isku dayeen inay wax tallaabo ah ka qaan Maraakiibtaas, waxa uu ku jawaabay; “Runtii markii warkaasi na soo gaadhay toddobaadkii hore ka dibba way fogaadeen oo dorraad (dorraad tii ka horreysay) waxay ka sii muuqdeen Badweynta fog oo ah meelaha aynaan awoodda u lahayn inaynu gaadhno ama cid tallaabo kaga qaadno oo sidaan kuu sheegay Ciidankeenna ilaalada Xeebuhu ma gaadhi karaan Badweynta hore ama fog. Markaa, ma jirto wax tallaabo ah oo aannu ka qaadnay ama ka qaadi karaynay.”

Mar Wasiirka Kalluumaysiga la weydiiyey su’aal ahayd, dadka deegaanka qaarkood waxay sheegeen inay Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland ee aad Wasiirka ka tahay Maraakiibtaasi ka haystaan oggolaansho ama aad heshiis kula jirtaan, arrintaasi miyaanay jirin Wasiir? Waxaanu ku jawaabay; “Laa- ilaaha Illallaahu; Adeer warkaasi wax jira maaha, annaguna Wasaarad ahaan Maraakiib waa weyn heshiis lama galno ee kuwo kalluumaysi oo tankoodu yar yahay oo yahay 20 Tan illaa 30 Tan, ayaannu heshiis Kalluumaysi oo la hubiyey la geli karnaa. Annagu Wasaarad ahaan iyo dawlad ahaan toona Maraakiib waaweyn iyo Maraakiib Sun sida oo Deegaanka wasakhaynaya lama galno, lamana geli karno, lamanaannaan gelin wax heshiis ah haba-yaraatee, ee waa nimankaa awoodda is-beday ee awood aynu ku caabbinana aynaan weli haynin.”

Wasiir Buureed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ka jira Markabka Sunta Xeebta Laas-qoray ku qubay oo Warbaahinta qaar faafiyeen inuu ka yimi dhinaca Puntland oo uu Maamulkaas heshiis uu kula jiro dartii u yimi Deegaankaas, waxa uu yidhi; “Way dhici kartaa inuu Puntland heshiis kula jiro, waanaynu kala duwannahay Puntland, laakiin haddii ay taasi jirto waxaan qabaa inaanu xadka Badeed ee innoo dhexeeya ka soo tallaabeen, ee sidaan kuu sheegay waxaan u filaynaa nimankaa awoodda sheegta ee reer Galbeedku inay lahaayeen.”

Waxa kale oo Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland la weydiiyey Markab Kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Masar, kaasoo dhawaan lagu xidhay Xeebta Badda Saylac ee Somaliland oo uu hore u sheegay Wasiirku inay baadhayaan halka uu ku dambeeyey; waxaanu ku jawaabay; “Kaasi Markab yar oo illaa 25 Tan ah buu ahaa, ee kuwo badan oo waa wayn baa Baddeenna hoganaya oo aan Cidna Sharci ka haysan. Markaa, Markabkaasi Niman Muwaaddiniin ah baa soo galay oo ka mid ahaa Wakiilladiisa, sidii aannu hore u sheegnayna waannu baadhnay oo Khoboro ayaannu u dirnay baadha noca qalabka uu sito inay yihiin kuwii wax xaalufinayey iyo in kale, dabcan wax sidaas ah oo qalabka halista ah lagama helin ee shabag yar baa laga helay kiina waa laga dejiyey.”

Wasiirka oo jawaabtiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray; “Markabkaas Cashuurtii dawladda waa laga qaaday oo wuu shubay, heshiis Kalluumaysi ayaanannu la galnay, waxaannu saarnay Khubarada Wasaaradda Kalluumaysiga ee ilaalisa qaabka ay u Kalluumaysanayaan Maraakiibta heshiiska lala galaa iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, Badda ayaanu ku jiraa waanu baxayaa dhawaan. Markaa, Markabkaasi baadhitaan iyo wadahadal ka dib waxa uu buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa, waxaannu waafajinnay Sharciga dalka u yaal oo uu aqbalay oo aannu ku wada-shaqaynaynaa.”

“Laakiin, waxa Badda ku jira Doonyo ka yimaadda Yemen iyo Jabuuti oo ay badi soo kaxaystaan dad reer Jabuuti u badan oo Muwaaddiniin sheeganaya, kuwaasna waxaannu go’aansannay in ama Muwaaddin ha ahaado ama Ajaanib ha ahaadee, cid kasta oo aynu awood u leenahay inaannu Sharciga dalka u yaalla iyo Xeerarka Kalluumaysiga Somaliland waafajinno, waanu ku qasban yahay qof kasta oo aynu awood ahaan u gaadhi karnaa inuu sharciga u hoggaansamo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Buureed oo ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey waxa ay Doonyahaas uu sheegay inay Badda hoganayaan wax uga qaban waayeen sida Markabkan muddada ku xidhnaa Saylac oo kale.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cali Jaamac Faarax oo ugu dambayntii la weydiiyey Xaddiga heshiiska lala galay ama lacagta laga qaaday Markabka toddobaadka ku xidhnaa Xaybta Saylac, waxa uu yidhi; “Heshiiska lala galay Markabkaas wuxuu la mid yahay Heshiisyada Maraakiibta yar-yar ee la midka ah lala galo, waxaanad ka arki kartaa haddaad Wasaaradda xarunteeda Hargeysa timaaddo Shaxda Mugga Markabka iyo ka doonta iyo midkasta inta uu yahay heshiiska sharciga ah ee lala galayaa, kanna waa sidaas, heshiis sharci ah ayaanannu la galnay.”

Xigasho Wargeyska Himilo.