Islaan 85 Jir ah oo Xubin Jidhkeeda ka Mida ugu Deeqday Qof Dhallinyaro ah

Qubane-(Berberanews)-Haweenay 85 jir ah, ayaa noqtay qofkii ugu da’da weynaa ee abid dalka Ingiriiska kelli jidhkeeda ka mid ah ugu deeqda qof kale, waxayna ku andacootay inay waayeel noqotay, isla markaana aanay kellideeda xilligan u baahnayn, iyadoo laga warqabo in labada kelyood yihiin xubnaha ugu muhiimsan jidhka bani’aadamka.

Haweenaydan waayeelka ay oo tilmaantay inay aqalka fadhigiisa khaati ka istaagtay ayaa ku adkaysatay inay qalliin gasho, kellidedana ugu deeqdo qof aanay garanayn oo u baahan in xubintan loo geliyo, isla markaana dhallinyaro ah.

ku dhawaad 300 qof ayaa sannad kasta dalka Ingiriiska ugu dhinta iyagoo sugaya qof kelli ugu deeqa, inkastoo 6,000 qof yihiin sugayaal xubno muhiim ah, taasoo ay sannadkii dhacaan 2,500 qof oo qalliin xubno qof loogu deeqay loogu gelinayo ah.kelida

Gabadhan waayeelka ah oo cusbitaalka la yidhaa Royal Preston Hospital oo ku yaal magaalada Lancashire ee dalka Ingiriiska, ayaa dhakhaatiirta ka codsatay inay eegaan in caafimaadkeedu saamaxayo inay kelli iska saarto si loogu deeqo qof kale oo u baahan.

“Waxaan leeyahay laba kelyood, waxaanan ahayd 86 jir, waxaanan doonayaa in qof aanan garanayn caafimaadkiisa aan qayb ka noqdo, anigoo kelli ugu deeqaya si aan dadka kalena ugu dhiirigeliyo inay dadka u baahan xubnaha ee aanay aqoon siin karaan,” ayey islaanta Ingiriiska ahi tidhi.

Dhakhtarkar cusbitaalkan u qaabilsan inuu dadka ka guddoomo xubnaha ay ku deeqayaan oo la yidhaa Fiona Biggins, ayaa sheegtay in aanay shuruud da’ ah ku xidhnayn ku deeqista kelyaha, waxaanay tidhi; “Haweenaydan waa mid aad u naxariis badan, waxaanay ku deeqaysa kelideeda, iyadoo 85 jir ah si ay qof kale xubnihiisa u dhammaystirto, waa wax lagu dhiirado, waxaanay codsatay in aan la magacaabin oo aan loo sheegin qofka ay kelida ugu deeqda.”

Berberanews.com

info@berberanews.com