Dagaal ka qarxay Xerada ugu weyn Milateriga caasimadda South Sudan ee Jubba

Sudan-(Berberanews)- Dagaal ayaa ka qarxay xerada ugu weyn ee militeri ee caasimadda South Sudan ee Jubba. Waa isla goobtii uu markii ugu horreysay ka qarxay dagaalka sokeeye ee dalkaas ka socda tan iyo bishii December ee sanadkii tegay.
Goobjoogayaal ayaa BBC u sheegay in dadka degaanka ay billabeen inay ka qaxaan goobtaas. Dowladda ayaa ilaa haatan ka hadlin dagaalka ka dhacay xerada ugu weyn ee militeriga dalkaas.
Mushaarka ciidammada Weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka Moses Rono ayaa sheegay in dagaalku dhacay xilli mushaar la siinayay ciidammada militeriga. Dhowr cutub oo ka tirsan militeriga dalkaas ayaa deggan xeradaas.
Photo Sources BBC
Photo Sources BBC
Qof ka tirsan degaanka ayaa sheegay in qaac madow uu weli ka soo baxaya xeradaasi militeri. Labada dhinac ee ku dagaallamaya South Sudan ayaa kala saxiixday heshiis xabadjoojin ah, balse midba midka kale ayuu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xabadjoojinta. 24.01.14