“Dawladdu Iyadda Qiraysa Inay Faro-galin Ku Hayso Garsoorka ” Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa (Berberanews) -Shir Jaraa’id oo uu Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaaladda Hargeysa uu ku qabtay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi  Maxamed Cabdilaahi Uurcadde waxa Xukuumadda Somaliland uga digay inay joojiso faro-gelin uu sheegay inay ku hayso Hay’addaha Garsoorka.

Waxaana hadaladdiisii ka mid ahaa “Waxaa aynu la soconaa,  waxaa halkaa ka hadlay Garsoorayaal Racfaanka, Gobalka iyo Dagmadaba leh ragaasi waxaa ay shegeen in amar cad ay Xukuumadu siinayso amarka  cadina aanay Cadaalada waa faqayn hadana waxa hadlay,  Afhayeenkii hadana waxa hadlay Wasiirkii Daakhiliga, hadda-na waxaa hadlay Gudiddii caddaalada  hadadna waxa]a hadlay Guddoomiyihii Maxkamada sare, waxa weeye waxaa ay iyagu ay ka hadlayaan waa Caddaaladd,  laakiin dadka waxa loo sheegayaa waa Siyaasad nidaamkii dawladnima sidaasu horta ku burburay dawladiina waxa uu arinkeedii uu noqday yaa nala hadlay aanu saxaafada lahadalnee halkay damin lahaayeen ceebta gudahooda taala”

 DSC00980

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, waxa uu intaas ku daray “Dawladdu-na iyadda qiraysa fara-galinta ay ku hayaan Wasiir ku xigenka amnigu laba qodab oo uu sheegayba waa ay qirayaan  waxaa uu sheegay inay dhawr iyo afartan Maxkamaddood ay Xafiiskiis hor-yaalan oo uu fulintiisa ka hor-joogsaday oo uu diiday oo waliba uu si cad  uleeyahay waa cadaalad daro, xaguu isagu ku arkay cadaalada yaa u dirtay Caddaaladda”.  ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI waxa kale oo uu sheegay inay Xisbi ahaan Diyaar u yihiin Doorasho Xor ah oo Somaliland Ka Qabsoonta, waxaanu sidoo kale Xusay in aanay Aqbalayn Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

Horaantii Todobadkan ayay ahayd markii  qaar ka tirsan Guddoomiyayaasha  Maxkamaddaha ay Xukuumaddu ku eedeyeen inay soo faro-gelisay Dacwaddo ay wadaan, iyadda Xukuumadd-na arrimahasi ku tilmaantay waxba kama jiraan.

 

 

Berbera News/Hargeysa.