Xukuumadda oo Shaaca Ka Qaaday In Gacanta Lagu Dhigay Dab-layddii Ka Dambaysay Dilkii Taliyihii Booliska Ee Degmadda Xaaji-saalax

Hargeysa (Berberanews)  Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland  Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay  gacanta lagu dhigay Dablay-dii ka dabmaysay Dilkii dhawaan Degmadda Xaaji-saalax loogu geystay Taliyihii Booliska ee Degmadaasi.

Wasiir Waran-cadde oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa,  ayaa waxa uu sheegay in sheegay inay Xukuumadda ahaan u mahaq-celinayaan cid kasta oo gacan  ka siisay soo qabashadda Dilka Marxuumkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha (Berberanew)
Wasiirka Arrimaha Gudaha (Berberanew)

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan jecelahay inaan Dadweynaha ugu bushaareeyo in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii Xaaji Saalax  taas oo uu imika ku jiro gacanta dawlada, arintaas oo ah mid aad u qiimo badan aniga oo u mahad naqaya dhamaanba dadkii nagala shaqeeyey sidii aanu gacanta ugu dhigi lahayn gacan ku dhiiglahaas oo dilay sarkaal ciidanka  Boolis- ka ah oo madax ka ahaa Booliska Mulaaxo ee Xaaji Saalax, waxaanan u mahad naqayaa salaadiintii qiimaha lahayd ee gacanta ka gaysatay in la soo qabto gacan ku dhiiglahaas, waxa kale oo aan u mahad naqayaa cuqaasha, ciidanka  Booliska , bulshada deegaanka oo gacan ka gaystay, dawlada Ethiopia oo gacan balaadhan na siisay, waxa kale oo aan u mahad naqayaa reerkii uu ka soo jeeday marxuunka la dilay oo naga aqbalay inay ku kalsoonaadaan dawlada oo aanay haba yaraatee wax dhaq dhaqaaq oo aargoosi ah  samaynin, maantana aan u sheegayo in gacan ku dhiiglihii gacanta lagu hayo. ”

 Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu intaas ku daray “Hawl galadii aanu ku jirtay wasaarada arimaha gudaha iyo wasaarado kale oo na  wehelinayey waxaanu ku guulaysanay  in shaqaaqooyinkii ka dhacay dhinaca bariga iyo hawdka dalka inay si wanagsan u dhamadeen oo ay dhamaantoodba meel fiican  oo nabad galyo aanu gaadhsiinay haday tahay kuwii bariga ee ka kala dhacay Ceeldhaab, Oog iyo Adhi Cadeeyo Cade”

 

Berbera News/Hargeysa