Marxuumadii dhawaan dilka foosha xun loogu geystay Oo Maanta Lagu Aasay magaalada hargeisa

Hargaysa(berberanews):-Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda  Iyo Golayaasha  Guurtidda Iyo Wakiiladda,  Maamulka Gobolka Maroodi Jeex , Xubno Ka Tirsan Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Caasimada.

Godkii-Marxuumadda

Iyo Boqolaal Ka Tirsan Dadweynaha Ku Dhaqan Caasiamdda Hargaysa  Ayaa Maanta Ka Qeyb Galay Aaska Marxuumad Ruqiya  Siciid Ayaanle  Oo Todobaadkan Lagu Dilay Magaaladda Hargaysa.

Alle Haw Naxariistee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle   Oo Dhawan Sababta Geerideedu Ay Murugo Iyo Naxdin Ku Keentay  Shacbi Weynahasomlailand  Ayaa Maanta Lagu Aasay Xabaalaha Naaso Hablood Ee Magaaladda Hargaysa.

Boqolaal Dadweyne  Ayaa Ka Qeyb Galay Aaska Marxuumadaasi Kuwaas Oo Ay Ka Muuqatay Dareenkooda  Naxdin Iyo Anfariir La Xidhiidha Sidii  Ay U Geeriyootay Marxuumadaasi Oo Noqotay

Dhacdo Ku Cusub Dalka Somaliland  Waxaanay Dhamaan Masuuliyiintii Iyo Dadweynihii Ka Qeyb Galay Aaska Marxuumadaasi Ay Alle  Ugu Baryeen In Uu Jannadii Fardawsa Geeyo Islamarkaa Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo Eheladeedii Iyo Guud Ahaan Asxaabeetii Ay Ka Baxday.

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland