Dowladda oo “qabsatay” magaalada Xudur

BBC-Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay iyo ciidammo isugu jiro Soomaali iyo Itoobiyaan qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Xudur.

Waxaa horey magaalada gacanta ugu hayay ururka Al-Shabaab.

Waxaa jiray dagaal ka dhacay banaanka magaalada, oo ah caasimada gobalka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, ka hor inta aysan Al -Shabaab halkaas isaga bixin.

photo sources BBC
photo sources BBC

Magaalada Rabdhuure

Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa maalintii Khamiista waxa ay qabsadeen degmada Rabdhuure, oo iyadana ka tirsan gobolka Bakool.

Laakiin dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku soo noqdeen halkaas dhowr saacadood kaddib.

Dowladda Soomaaliya ayaahorey u sheegay inay qaadi doonaan dagaal balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dagaalyahanka Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ma jiraan ilo madaxbanaan oo xaqiijin karo warkan ay sheegtay dowladda Soomaaliya.