Masuuliyiin Burco ka soo Celiyey Wasiirka Caafimaadka oo ka Duday Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo xubno wasiirro ahi ku jiraan, ayaa ku guulaystay inay Wasiirka Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ka soo celiyaan magaalada Burco, kadib markii sida la sheegay uu ka duday Somaliland, iskuna dayey inuu u tallaabo dhinaca degaanka Buuhoodle.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in Wasiirka Caafimaadka caawa lagu soo celiyey caasimada Hargeysa, isagoo habeenkii Khamiista u hoyday hudheelka City Plaza ee magaalada Burco oo uu doonayey inuu uga sii gudbo dhinaca degaannada bariga, gaar ahaan Buuhoodle.

Wasiir xaglotoosiye

Si rasmi ah looma oga waxyaabaha Wasiirka Caafimaadku ka cadhooday iyo waxa qorshiisu ahaa, balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in wasiirku saluug ka muujiyey qoddob ku jiray heshiiskii uu xukuumada la galay markii uu ka tanaasulay colaadii uu Somaliland u hayey xiligii uu ka tirsanaa jabhadii SSC ee ka dagaalami jirtay degaanno ka mid ah bariga dalka, iyadoo sidoo kale la tilmaamay in Dr. Xaglo-toosiye ka cadhooday waxyaabo ay ka mid yihiin in aan waxba laga weydiin arrimaha degaannada bariga Somaliland.

Sida xogaha Jamhuuriya helay xaqiijiyeen, masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal, ayaa Burco ku sasabay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye, kuwaasoo caasimada Hargeysa dib ugu soo celiyey xalay, kadib markii ay ku qanciyeen in waxyaabaha uu tabanayo wadahadal laga yeelan doono, lagana qancin doono.

Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo hoggaamiye ka ahaa ururkii hubaysnaa ee SSC, waxa markii u horaysay 30 June 2012 magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kulan kula yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyadoo warsaxaafadeed xilligaas ka soo baxay madaxtooyada Somaliland lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo Xaglo-toosiye ka wadahadleen, kuna heshiiyeen in laga wada shaqeeyo sidii waanwaan iyo hab nabadeed loogu xallin lahaa dhibaatooyinka ka taagan degaannada bariga Somaliland, gaar ahaan degaanka Buuhoodle.

Ergo ka socotay degaanka Buuhoodle oo uu hoggaaminayey Dr. Saleebaan Ciise Axmed iyo wasiirro ka tirsan xukuumada Somaliland, ayaa 12 August 2012 xaflad lagu qabtay magaalada Caynabo lagu sii sagootiyey maxaabiis tiradoodu dhan tahay 68 maxbuus oo ka mid ahaa maleeshiiyaadka degaannada Buuhoodle oo ciidammada qaranku ku qabtay goobo lagu dagaalamay, iyadoo arrintaasina qayb ka ahayd heshiishka dhexmaray dawladda Somaliland iyo Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye, waxa sidoo kale heshiiskaas ku jiray in ciidammada qaranka ciidamada qaranku dib uga guuraan saldhigo degaanka Buuhoodle ah si arrintaasi qayb uga noqoto dedaalka nabadda lagu raadinayo.

Bishii October, 14-keedii ee sannadkii 2012, ayuu markii u horaysay madaxweyne Siilaanyo soo saaray digreeto uu Dr. Saleebaan Ciise Axmed ugu magacaabay Wasiirka Dib-u-dejinta Jamhuuriyada Somaliland, kadib markii uu go’aansaday inuu ka mid noqdo xukuumada Somaliland kana qaybqaato dedaalka loogu jiro in miiska wadahadalka lagu dhameeyo tabashooyinka dadweynaha ku dhaqan degaannada Buuhoodle.

Hasayeeshee, 24 June 2013 ayaa isku shaandhayn lagu sameeyey xukuumada, Waxa Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) loogu magacaabay Wasiirka Caafimaadka Somaliland, xilkaasoo uu ilaa hadda hayo, iyadoo sidoo kale la sheegay in wasiirkani ka cadhooday ciidamo caagle ah oo uu bil kasta lacag badan ku qaato, kuwaasoo la doonayo in laga jaro hadda.

Wasiirka Caafimaadka Md. Saleebaan Xaglo-toosiye, ayaa faa’iido iyo macaash badan ka helay heshiiskii uu la galay dawladda Somaliland, balse ilaa hadda dhinaciisa waxba kama fulin qoddobadii ahaa inuu dadweynaha reer Buuhoodle ka dhaadhiciyo inay la noolaadaan walaalahooda Somaliland.

Maaha markii u horaysay ee Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ka cadhoodo Somaliland, balse sannadkii 2013 ayuu safar cadho ah ku tagay dalka Jabuuti, iyadoo xilligaasna ladqabo iyo sababo lagu soo celiyey, inkastoo Md. Xaglo-toosiye markii uu Jabuuti ka soo laabtay uu madaarka Hargeysa ku beeniyey in aannu safarkiisa Jabuuti la xidhiidhin wax cadho ah, isla markaana aannu jirin khilaaf u dhexeeya isaga iyo masuuliyiinta kale ee xukuumada Somaliland.