Muddo kordhin yaa dhalay, Horta waa ina ayo!! WQ Prof: Xaaji Cabdi Xuseen Maraykan (flosy)

Qore : Pro: Xaaji Cabdi Xuseen Maraykan (flosy)

Waa Boog ku dhextaal Demograadiyada Somaliland


Si aynu uga jawaabno su,alaha kor ku xusan, aynu tusaale u soo qaadano muddo kordhintii u danbaysay ee Golaha wakiilada, waxaa xildhibaanada golaha wakiilada lagu soo xulay cod dadwayne sanadkii 2005kii, shacabka reer Somalilandna ka wakiil noqdaan muddo sugan oo ah 5 sanadood, waxay balantu ahayd, inta aanay dhamaan shanta sanadood in xildhibaanadu dib ugu noqdaan dadkii soo doortay si loo qiimeeyo oo la kala hufo la kalana shaandheeyo, intii sifiican u gudatay hawsha loo abaal guddo oo dib loo doorto, Qanjidhka iyo Qashaabiirkana laga saaro oo halkoodana lagu beddelo muwaadiniin shaqada hanan kara.

Cabdi xuseen
Nasiib darro, dawlada qaybta fulinta oo ahayd in ay xildhibaanada hor geyso dadwaynaha oo doorasho u qabato ayaan xilkoodii gudan. Golaha sharci dejinta oo loo igmaday in ay la xisaabtamaan xil gudasho la,aanta fulinta iyaguna indhaha ayay ka qarsadeen.  Waxaa laysdhaafsaday odhaahda ah “aan dhabanka kuu xoqee kayga xoq. Haddaan si kale u dhigo, waa waxaan dhimo dhaafoo ha i faragalin, idinkuna dhamaan “xilidhibaanada waqtigoodu dhamaaday” shaqada ku noqda si hawlyar idinkoon dadkii idin doortay hor tegin.

Dabcan xildhibaano waqtigoodu dhamaaday waxaa beddeli kara qaar lasoo doortay  mar hadii aanu jirin xildhibaano la soodoortay  si looga badbaado fakaak ( vacuum), abuurma waxay golaha guurtidu ku dhawaaqeen muddo kordhin golaha wakiiladda oo is huwan.  Waxaan qoraalkaygan ku soo oodayaaa, muddo kordhin waxa marwalba dhala oo aabe u ah xil gudasho la,aanta fulinta. Waxaa loo baahan yahay in xil gudasho la,aanta lagu maareeyo waxay mudantahay oo aan loogu abaal gudin muddo kordhin. Deb dambena loo adeegsan kuwii horena laga istaaqfuraysto