Baadi-goob caalami ah iyo dadaal gurmad loogu jito diyaarad la la’yahay

BBC-Baadi-goob caalami ah iyo dadaal gurmad ayaa socda kadib markii la waayay diyaarad ay leedahay shirkadda Malaysia Airlines oo ka kacday Kuala Lumpur kuna sii jeeday magaalada Beijing.

Waxaa raadintu ka socotaa qayb aad u baahsan oo badda ah kala bar meel u dhaxaysa Malaysia iyo Vietnam.

Military-ga Malaysia ayaa sheegay in Helicopter-o iyo maraakiib la diray balse baadigoob hordhac ah aan ilaa hadda waxba lagu soo helin.

Diyaaradda la la;yahay oo ah nooca Boeing 777 waxaa saarnaa laba boqol iyo sodon iyo sagaal rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda.

Saraakiisha shirkadda Malaysia Airlines ayaa sheegay in aan wax qaylo dhaan ah laga helin diyaaradda la la’yahay.

dad

Wasiirka gaadiidka dalka Malaysia ayaa sheegay in warar hore oo laga helay Vietnam oo sheegayay in diyaaraddu meel xeebteeda ka baxsan ay ku burburtay aan la xaqiijinin.

Diyaaradda ayaa isgaarsiinta iyo xiriirkii aaladda raadaarka lumisay laba saac markii ay sii safraysay.