Ethiopian-Airlines Oo Shaacisay In Aaney Waxba Ka Badaleyn Qaabka Amaankeeda loo ilaaliyo

ETHIOPIAN-())thiopian Airlines ayaa shaaca ka qaaday in ayna ku talajirin wax-ka-badlaka nidaamka loo sugo amaanka diyaaradaheeda ilaa laga soo saaro warcad afduubkii loo geystay mid kamid ah diyaaradaha shirkada oo dhawaan loo afduubay dhanka Switzeland.

 ethio-air

Agaasimaha guud ee shirkada, Tewolde Gebremariam, ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameeyo amaanka shirkadu uu sugayo natiijada baadhis shirkada iyo Switzerland si wadjir ah u samaynayaan.

Agaasimaha ayaa sheegay in ilaa eega aan la ogayn sababta ku kaliftay duuliyaha in uu afduubo diyaarada. Waxaa uu intaa ku daray, in dhacdadani ayna waxba u dhimin maamuskii shirkada.

Tewolde ayaa waxaa kale oo uu xusay mid kamid ah diyaaradaha casriga ee shirkada oo sanadkii hore badhtankiisii dab ku qabsaday garoonka Heathrow, London.

Agaasmiha ayaa xusay in labada dhacdaba ayna la xidhiidhin nidaamka loo dhawro amaanka diyaaradaha shirkada, sidadarteedna ayna meesha ku jirin in wax isbadal ah lagu sameeyo ilaalinta amaanka diyaaradaha.

Dhanka kale, waxaa jira warar tibaaxaya in gudoomiya-ku-xigeenkii shirkada shaqada laga eryey ama isagu uu iscasilay. Gudoomiye-ku-xigeenka waaxda doolimaadka oo magaciisa lagu sheegay Desta Zeru ayaa iscasilaadiisa ama eryidiisa lala xidhiidhiyey dayaaradii dhawaan la afduubay, sida ay qoreen qaar kamid ah shabakadaha qurba-joogta Itoobiyanku leeyihiin.

Shirkada diyaardaha, Ethiopian Airlines, ayaan wax warbixin ah oo iscasilada masuulkan la xidhiidha laga maqal.

Duuliyihii diyaardii loo afduubay Switzerland ayaa ilaa hadda xabsiga dalkaasi ku jira iyada oo dawlada Itoobiya si rasmi ah u codsatay in dib loogu soo celiyo.