Gabadhii ku eedaysanayd dilkii haweenayddii mayddkeedda laga helay godka oo maanta maxkamadda la hor-keenay

Hargeysa-(Berberanews) -Waxa Maanta Maxkamadda Gobolka Marooddi-jeex la hor-keenay Haweenayaddii  iyo lix qof oo kale, kuwaas oo eedaysan Dilkii Marxuumadda Ruqiya Siciid Ayaanle oo dhawaan ay Ciiddamdda Amaanku Mayddkeedda ka heleen Guri ku yaala Bariga Magaaladda Hargeysa.

 

Amaanka Maxakamadda ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xidhay Waddooyinka soo gala Maxkamadda, iyadda oo Warbaahinta iyo Dadkii kale ee danaynayay inay dhagaystaan Dacwadda Dhagar-qabayaashan aan loo ogalaan inay guddaha u galaan Maxkamadda.

 

Markii  ay Maxkamadu soo gabo-gabowday waxa 7 Cisho oo Rumaan ah dib loogu Celiyey Eedaysane  Xabsiga Eedaysanayaashan Muna , iyadda oo taasi oo Fadhi dambe loo balamay in la isugu soo Noqdo marka ay Dhamaato Todobadaasi Cisho.

 

Berbera News/Hargeysa