Madaxweyne Gaas oo beeniyay in Ciidamo AMISOM la keenayo Puntland

Puntland(Berberanews0) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa meesha ka saaray warar sheegaaya in Dowladdiisa ay dalbatay in Ciidamo AMISOM la keeno degaanada Puntland.

gaas_

Madaxweynaha oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray wareysi dhowaan uu siiyey Wakaaladda wararka ee Reuters uu kaga codsaday AMISOM in ay Puntland ka caawiso sugidda amaanka xuduudaha ay la wadaagto gobolada Koonfureed, si looga hortago firxadka al-Shabaab in ay soo galaan degaanada Puntland.

Wuxuu sheegay in Puntland ay leedahay Ciidamo isku filan oo suga nabadgalyada balse AMISOM looga baahan yahay in ay ka taageeran dhanka logistikada, maadama howlgalkooda uu yahay Soomaaliya oo dhan uusan ku koobnayn Koonfurta.

‘’ Anagu AMISOM uma aynaan yeeran, Puntland waxay leedahay Ciidamo isku filan oo suga nabadgalyada… balse AMISOM waa in ay naga taageeraan dhinaca logistikada sida in ay ina siiyaan qalabka isgaarsiinta iyo agab Ciidan naga caawinaaya in aan ka hortagno al-Shabaab,’’ ayuu yidhi.

Dowladda Federaalka oo kaashanaysa Ciidamada AMISOM ayaa qaadaysa howlgal balaaran ay kula wareegayso degaanada ay weli ka talinayaan maleeshiyada al-Shabaab ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Puntland ayaa ka walaacsan in firxadka al-Shabaab soo galaan degaanadeeda oo ay khal khal ku keenaan nabadgalyada, iyadoo sanadadi dambe kusoo xoogeysanayeen Buuralayda Galgala.

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland