44 Qof Oo Ka Mid Ahaa Dadkii La Xasuuqay Xiligii Taliskii Siyaadda Barre Oo Maanta Aas Waddareedd Loo Sameeyay + Sawiro

Hargeysa (Berberanews)  44  Qof oo ka mid ahaa Dadkii ay xasuuqadday Dawladdii Kacaanka ah ee Maxamed Siyaadda Barre,  maanta goobta loo yaqaano Badhka ee Duleedka Koonfureed ee Magaaladda Hargeysa  loogu sameeyay Aas Wadareed.

Aas Wadareedkani ayaa waxaa ka soo qayb-galay Xubno ka  tirsan Golaha Wasiirada,  kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland,Wasiir Diinta Iyo Awqaafta ,Wasiirka Waxbarashada,Wasiirka Deegaankaa,Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Siyaasiyiin Fara Badan.

Masuuliyintii Goobtaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah u sheegay in Dadkii dadkaasi xasuuqay Maxkamad la horkeeno Si looga abaal mariyo dadkii ay xasuuqeen.

 5555 444

Guddoomiyaha Guddidda Baadhista Xasuuqa ee Somaliland Khadar Axmed Like ayaa warbaahinta u qaybiyey Qoraal uu soo saaray oo dhignaa Sidan:.Waxanu halkan  iskugu nimid saaka in aynu sidii islaaminimadu ina fartay  u aasno 44 kan Marxuum oo ay si sharci darro ah, iyagoon danbi lahayn, u xasuuqday  dawladdii  markaa dalka ka talinaysay ee kaligii taliskii Siyaad Barre, ee sanadkii 1984 kii, wax mahad leh illahay oo maanta inoo suurta galiyey in sidii diinteena subani ina fartay aynu u aasno 44kan Marxuum oo laga soo saaray xabalaha badhka.

 xasu4 xasu3 xasu2 xasu1

Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maxakmadda la saaro Dadkii ka dambeeyay Xusuuqii loo geystay Dadkan maanta Lafahoodda dib loogu aasay Xabaal Wadareed loo sameeyay.

 000 5555-1

 

Waxa kale iyaguna mahad leh khuburadan ka socota hay’adda EPAF ee xaqiijisay inuu xasuuq ka dhacay dalka 1984kii, iyaga oo hawshoodii sii wadi doona si ay u xaqiijiyaan xasuuqyadii kale ee dhacay sanadihii ka danbeyey 1984kii ee ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 000

 

EPAF  waxa weeye hay’adda laga aqoonsan yahay adduunka oo dhan kana soo shaqeeysay dalal badan oo xasuuq ka dhacay sida Colombia, Venezyela, Chile, Philippines, Nepal, Congo And Kenya .

 

 

EPAF waa hay’ad caalami ah oo madax banana, macaashdoon ahyn, meelmarisa runta, hirgelisa xaqiiqda ay ka helaan baadhistooda iyagoo cidna wax-qabadkooda garab u doonan, caawisa cadaalad-doonka iyo Demoqraadiyada, waxaanu illahay ka baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo 44ka marxuum oo ay dishay gacan ka xaqdarani eheladoodii iyo somalilandba samir iyo Iiman ka siiyo.

Ujeedada hawshan ugu weyn een halkan isugu soo duba ridnay xafiiska gudidda baadhista xasuuqa Somaliland.

 

1.Wixii Danan gaystay oo la Maxkamadeeyo.

2.Marka cadaalad la helo ayaa Dadku heshiiya.

3.inay Iska hortaagto kuwa mustaqbalka xukunka qabta inanay ku kicin falakn oo kale.

4.in ay wacyi galin ku saabsan xaquuqal insaanka u noqoto dadka.

 

 

Berbera News/Hargeysa