Fannaankii Maxamed Suleymaan Tubeec oo ku geeriyoodey Jarmalka iyo Kooxda Xiddigaha Geeska oo Tacsi u diray

Germany(Berberanews):- Allaah ha u naxariistee Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed ee Maxamed Saleebaan Tubeec, ayaa saaka waabarigii ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla dalka Germany.

Ehellada Maxamed Saleebaan ayaa VOA u sheegay in fannaanku uu u geeriyooday xanuun in muddo ah hayay oo ka soo wajahay dhinaca caloosha, waxayna sheegeen in saddex jeer lagu sameeyay qaliin.Tacsida

Maxamed Saleebaan oo ahaa boqorka codka Fannaaniinta Soomaaliyeed, ayaa wuxuu ka mid ahaa Fannaaniinta waa weyn ee doorka muhiimka ah ku lahaa Koboca iyo hirgelinta Fanka Soomaaliyeed.

Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray qaraabadda iyo bahda Fanka ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec.

Guddoomiyaha Kooxdaas Xasan Saleebaan Dhuxul, oo ku hadlaya magaca kooxdaas, ayaa Tacsidan na soo gaadhsiiyay, “Anigoo ku hadlaaya magaca Kooxda Xidigaha Geeska Waxaan Tacsi Tiiraanyo leh U dirayaa Alle haa U naxariistee Marxuum MAXAMED SALEEBAAN TUBEEC oo XAQII Ku  soo xaadiray. Qoyskii Qaraabadii iyo guud ahaan bahda suugaanta iyo ummada afka Soomaaliga ku hadasha.
ilaahay naxariistiisa jano ha ka waraabiyo inagana ha inooga daba naxariisto.”

Berberanews.com