Interpol oo ka hadashay Diyaarad afar maalmood la la’yahay

BBC-Hay’adda Caalamiga ah ee Booliiska dunida ee Interpol ayaa sheegtay in aanay aaminsanayn weerar argagixiso loo aaneyn karo maqnaanshaha diyaarad laga leeyahay waddanka meleshiya oo mudda afar maalmood ah la la’yahay.

Interpol waxa ay sidoo kale soo jeedisay in ay suurtagal tahay in labada nin ee ku safrayey baasaabooro la soo xaday ay ahayeen dad la tahriibinayey.

Diyaarada waxaa saarnaa 239 qof, howlgalka baadi-goobka waxaa ka qeyb qaadanayo 10 waddan.

ap