JAMHUURIYA: Falanqaynta 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada oo 8 Sanno iyo 5 bilood kuraasta fadhiyey

Qaybta 2aad

Qaybta labaad ee qormada falanqaynta Jamhuuriya ka diyaariyey mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland waxaynnu mid-mid ugu eegi doonnaa xildhibaannada laga soo doortay Gobolka Hargeysa oo tiradoodu tahay mudane, innagoo mid kasta si kooban u dulmaraynaa saamaynta iyo waxtarka dhinaca horumarka ee uu ku leeyahay shacabka soo doortay ee uu codkooda kursiga ku fadhiyo.

Md. Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde: Waa xildhibaan ruug caddaa ah oo Golaha Wakiillada ku soo jiray tan iyo sannadkii 1997-kii, waxaannu hore u soo qabtay xilka guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, ka hor intii aan markale dib loo soo dooran sannadkii 2005. Waxa lagu tilmaamaa siyaasi qunyar-socod ah oo aan ku badnayn fagaarayaasha siyaasadda ee sida adag loogu loollamo. Sidoo kale, waa nin af gaaban, keli-socod ah, si cadna aan loo dareemi karin xidhiidhka iyo kalsoonida uu ka haysto dadweynaha uu codkooda xildhibaanka ku yahay.

Dhinaca kale, weli qalabka warbaahinta laguma arag isagoo ka dhex muuqda amma gacan ka geystay horumarinta adeegyada bulshada ee degaannada laga soo doortay.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB, ilaa imminkana ma jiro xisbi uu si cad ugu biiray.

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog): Waa xubin aad u firfircoon oo markasta jecel taageerada aragtidiisa siyaasiga ah guulaysato. Waa xildhibaan had iyo jeer warbaahinta ka weerara cidda ay siyaasadda iskaga soo horjeedaan. Sida dhaqdhaqaaqyadiisa ka muuqata waxogaa taageero ah ayuu ka haysta shacabka ku dhaqan xaafadaha bariga Hargeysa oo laga soo doortay, hase ahaatee lama hayo wax muuqda oo uu ku darsaday horumarinta adeegyada bulshada.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB oo uu si adag u difaaci jiray, haatanna waxa uu ka tirsan yahay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo safka hore kaga jiro xildhibaannada ugu cadcad.

Md. Cali Obsiiye Diiriye (Cali-gabilay): Waxa uu ka mid yahay mudanayaasha dib loo soo doortay ee ka tirsanaa golihii hore ee Wakiillada. Waa muxaafid markasta daacad u ah xukuumadda talada haysa, waxana si weyn loogu dhex arkaa doodaha mooshinnada muxaafidku iyo mucaaradku ku hirdamayaan ee golaha la horkeeno.

Weligii lama arag isagoo waxtaray amma u ololaynaya mashruuc horumarineed oo laga hirgelinayo degaannada Gobolka Gabiley ee uu magaciisa sitay oo laga soo doortay, xidhiidh wanaagsanna lama laha bulshada uu codkooda kursiga ku fadhiyo.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB, imminkana waxa uu ka tirsan yahay xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya.

Md: Xasan Cawaale Caynaan: Waxa uu mid yahay mudanayaasha ugu da’da yar ee Golaha Wakiillada ku biiray sannadkii 2005. Waa muxaafidyahan aan marnaba ka horiman cidda Madaxtooyada joogta. Inta badan waxa dhaqdhaqaaqiisa aad loo dareemaa xilliyada mooshinnada xasaasiga ah jiraan. Waa macallin ay u shaqeeyaan dugsiyo uu gaar u leeyahay oo dhaqaale xooggan ka soo galo, balse weligii lama arag ka-qaybgalka mashaariicda horumarinta adeegyada arrimaha ee degaannada laga soo doortay ee Gobolka Hargeysa.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB, imminkana waxa uu ka tirsan yahay xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya.

Md. Cabdikariin Aw Cali Shabeel: Waxa uu ka mid yahay mudanayaasha sida tooska ah loo soo doortay. Waa xildhibaan muxaafida oo saaxiib la ah xukuumadda. Saamayn weyn oo siyaasiyeed kuma dhex laha Golaha Wakiillada ee uu ka tirsan yahay.

Marka dhinaca waxqabadka laga eego weli warbaahinta laguma arag cid ka mahad sheeganaysa waxtarkiisa, marka laga reebo dhawr jeer oo uu ka qaybgalay  goobo raashin mucaawimo ah loogu qaybiyey degaanno ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB, imminkana waxa uu ka tirsan yahay xisbiga KULMIYE ee talada dalka haya.

Md. Aadan Muxumed Hoorri (Mataan): Waa nin mucaarid ah oo muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Somaliland. Waa mujaahid ka tirsanaa dagaalyahannadii SNM ee dalka xoreeyey. Haseyeeshee, muddo 8 sanno iyo shan bilood ah oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada lama hayo meel uu wax ka taray horumarka degaannada dadweynaha uu codkooda ku fadhiyo.

Waxa uu ka soo baxay xisbigii burburay ee UDUB, imminkana waxa uu ka tirsan yahay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Md. Maxamed Baaruud Shide: Waa mujaahid kaalin ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta Somaliland. Waa muxaafid markasta Madaxtooyada la safan, balse nasiib-darro waxa ku adag inuu isa soo taago minbarka hadalka ee Golaha Wakiillada oo rayigiisa ka dhiibto doodaha golihiisa ka socda, dhinaca horumarka iyo waxqabad la’aantana waxa uu la wadaagaa saaxiibaddiisa kor ku xusan.

Waxa uu ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee UCID, kadibna waxa uu ku biiray xisbigii burburay ee UDUB, dabadeedna waxa uu uga sii digo rogtay KULMIYE oo uu hadda ka tirsan yahay. Xildhibaan iska eeg liiska dambe kaalinta aad kaga jirto falanqaynta Jamhuuriya……