Dawladda Somalia oo diiday in fannaankii Maxamed Suleymaan lagu aaso Somaliland

Muqdisho(Berberanews)Xukuumadda Somalia ee  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegtay in aanay aqbalayn in Fanaankaii weynaa ee  Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo  Alla ha u naxariistee shalay ku  geeridyooday dalka Germany.

Marxuumka ayaa mudadii uu noolaa ku dardaarmay in lagu aaso Somaliland, gaar ahaan Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil oo ay waalidiintii dhalay ku aasan yihiin, balse xukuumadda Xasan Sheekh ayaa sheegtay in lagu aasayo marxuumkaa magaalada Muqdisho, isla markaana waxay xukuumadda Muqdisho magcawday guddi qaban-qaabiya aaska Marxuumka, iyadoo sheegtay in aan la geynayn  maydka Marxuumka.

Maxamed Saleebaan Tubeec oo ahaa fanaan weyn oo caan ka ahaa geyiga Soomaaliyeed ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku jiray Cusbitaal ku yaal dalka Germany kadib markii xaalad caafimaad daro soo waajahday, waxaana loo sameeyay qaliin, kaas oo sabab u noqday  geerida marxuumka.
Bulshada Soomaalida ayaa mudadii uu xanuunsanayay ka murugooday xaalada fanaanka weyn ee Maxamed Saleebaan Tubeec oo ahaa Fanaaniinta magaca iyo maamuska ku lahaa guud ahaan dhulka ay Somalidu degto, isla markaana masraxa fanka Soomaalida looga yaqaanay Boqorka Codka fanaaniinta Soomaalida.
Alla haa u naxariisto Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxuu taariikh facweyn oo aan lasoo koobi Karin ku lahaa fagaarayaasha fanka Mujtamaca Soomaalida, wuxuuna lahaa sadex Xaas iyo 7 caruur ah, iyadoo caruurtiisa iyo wixii ay sii dhaleen qoyskiisu dhawr iyo sodon qof gaadhayaan.

Sources, Arraweelo.com