Nin 30 sanno dil sugayay oo la sii daayay

BBC-(Berberanews)-Nin xabsiga ku jiray muddo 30 sano oo xukun dil ah sugayay ayaa la sii daayay dalka Maraykanka.

Glenn Ford waxaa laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Louisiana kaddib markii maxkamad ay burisay xukunka horey loogu riday.

Ninkan oo haatan 64 jir ah ayaa ah nin madow oo xukun ay ku rideen garsoorayaal wada caddaan ah.

hj

Caddeymo cusub

Garsoore cusub ayaa xukunka ninkan lagu sii daayay riday, isagoo sheegay in la helay caddeymo cusub oo muujinaya in Ford uusan meesha joogin xilliga uu dilka dhacayay.

Qareenka u dooda Ford oo lagu magacaabo Gary Clement ayaa sheegay in sii daynta Ford ay ahayd mid la filayay muddo dheer.