Somalilan oo sheegtay in Fannaankii Maxamed Suleymaan Aas Qaran loogu samaynayo Berbera-Dhegayso

Hargeysa(Berberanews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa caawa shaaca ka qaadday in magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil lagu aasi doono Meydka Allaah ha u naxariistee Fannaankii caanka ahaa Maxamed Saleebaan Tubeec oo wadadanka Jarlmalka ku geeriyooday Salaasadii shalay, ka dib markii ay Xukuumadda, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedka uu Marxuumku ka soo jeedaa isku raaceen in la tix-geliyo dardaarankii Marxuumka oo ku dardaarmay in lagu aaso magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Halkan ka dhagayso Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Siyaasiyiinta iyo Madaxda Dhaqanka oo ka warramaya Aaska Qaran ee la isku raacay in Maxamed Saleebaan loogu sameeyo magaalada Berbera.