Isra’iil oo duqeysay 29 -goobood oo kamid ah Gaza

Falastiin(berberanews)Diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ayaa shalay duqeeyey xarumo ku yaal marinka Gaza ee dhulka ismaamulka Falastiin.

israilduqeynGaza120314

Weerarka cirka ee Isra’iil ayaa ka danbeeyey duqeymo ay kooxaha Falastiin shalay gelinkii danbe la beegsadeen dhulka ay Isra’iil heysato.

Kooxda Islamic Jihad ayaa ku tuuray dhulka la heysto gantaalo ka badan 50, arrintaasi oo ay sheegeen inay uga jawaabayeen dilka 2 xubnood oo ka tirsan kooxdooda iyo dad rayid ah oo ay dileen ciidamada Isra’iil.

Kooxaha Falastiin ayaa sheegay in tan iyo intii ay hirgashay xabad joojintii dhamaadkii 2012 in Isra’iil ay sii waday dilalka joogtada ah oo ay ku heyso Falastiiniyiinta, isla markaana aysan gacmaha kasii laaban doonin falalkaasi ay Yuhuuda ku kacayaan.

berberanews-DESK

Hargeysa/Somaliland