Maalintii 7-aad -Diyaaradii Malaysia Airlines oo weli la la’ayahay

Maleysia(berberanews)Waxaan weli lagu guuleysan in la helo haraadigii diyaaradii la waayey ee MH370, waxaana lagu fashilay in wax natiijo ah laga helo baaritaano cusub oo laga sameeyey dalalka Maleesiya iyo Vietnam.

Chinese-air-force-011-400x240

Dowlada China ayaa shaacisay sawiro uu qaaday satellite laga leeyahay dalkaasi oo ay ka muuqdeen waxyaabo dulsabeenaya bada koonfurta dalkaasi Vietnam, maalin kadib markii la waayey diyaaradaasi.

Balse baaritaan dheer oo dhanka cirka iyo bada ah oo lagu sameeyey goobta sawiradaasi laga qaaday ayaan lagu guuleysan in lagu helo diyaaradaasi ama haraadigeedii.

Baadigoobka diyaaradan ayaa galay maalintii 5aad iyadoo aan illaa iyo hada lagu guuleysan in la helo diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeign 777 oo ay saarnaayeen rakaab gaaraya 239 qof. Baadigoobka diyaaradan ayey ka qeyb qaadanayaan toban wadan oo kala gedisan.

Berberanews-Desk
Hargeysa/Somaliland