Doonni la Guddoonsiiyey Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera

Berbera(Berberanews)- Shirkad kalluumaysi oo la yidhaa Somaliland Fair Fishing, ayaa doon ku caawisay Jaamacadda Culuunta Badda ee magaalada Berbera, taasoo loogu talogalay in ardaydu u adeegsato barashada duruusta cilmiga badda.

Xaflad loo sameeyey wareejinta doonidaas oo lagu qabtay shalay xarunta Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera, waxa ka qaybgalay wasiirro xukuumadda ka tirsan, maamulka jaamacadda, madaxda shirkadda Somaliland Fair Fishing, arday iyo martisharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera Kabtan Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, ayaa uga mahadceliyey shirkadda Somaliland Fair Fishing doonta ay ku taageereen jaamacaddiisa, taas oo uu sheegay inay ardayda ka caawin doonto barashada duruusta la xidhiidha cilmiga badda, isagoo ardaydiisana kula dardaarmay inay ilaashadaan.

doonida lagu caawiyey jaamacadda culuumta badda

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cali Jaamac Burreed, ayaa isaguna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin doonta lagu wareejiyey Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera, waxaannu yidhi; “Aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera ku wareejinno doontan casriga ah. Runtii muddo dheer ayaan soo wadnay sidii arrintani u suurtogeli lahayd. Waxaannu rajaynaynnaa inay wax badan ka tarto ardayda Jaamacadda Culuunta Badda Berbera, kabtannada duruusta bixinayana u fududaan doonto casharrada ay arday u dhigaan.”

Waxa kale oo xafladdaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde, waxaannu tilmaamay in khayraadka baddu yahay mid u dihin Somaliland, “Runtii maanta farahayga waxa ku yaal kalluunkii. Horta dhulkeenna nimco ayaa taal. Qaar baa ka xannaaqa marka la yidhaa nimcaa dalkeenna fadhida. Saaxiibbayaal, waxaan idin leenahay dalkeenna nimcaa taal. Baddu waxay ka mid tahay dhulka inoo dihin oo imminka albaabkeeda aynnu furayno.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in khayraadka kalluunku ka mid yahay wax-soo-saarka Somaliland u dhoofin karto adduunka.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa cid kasta oo horumar ka qaadatay horumarinta kalluumaystada iyo xaruntan kalluumaystada oo aad loo casriyeeyay. Waxaan aaminsanahay in kalluunku ka mid yahay waxyaabaha aynnu qaniga ku nahay oo suuqyada ugu waawayn aynnu gayn karno oo ka mid yihiin Itoobiya. Dadkeenna waa in aynnu barno cunista kalluunka, maalgashigiisa iyo wax-ka-qabsigiisa. Ilaahay waxaynnu ka baryeynnaa in inamadeena jaamacadda ku jira Ilaahay innooga dhigo qaar khayr qaba,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.