Madaxweynaha Somaliland oo ku dabaashay Batataale-Daawo sawirro

Berbera(Berberanews)—Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayay ee ku sugan magaalada Berbera ayaa maanta galabtii u dabaal tahay Batalaale.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan masuuliyiinta uu ka midka yahay wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa wakhti dheer ku jiray bada oo ay ku dabaalanayeen.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu galabta wakhti qaali ah oon hore u soo marin dhalin-yarada Gobolka Saaxil ku nool gaar ahaan Ardayda Kulliyadda Badda ka dhigata Jaamacada Berbera oo maanta nasiib u yeeshay in ay Masuulkii qarankan ugu sareeyey kula dabaashaan baddooda qiimaha badan,  oo daba socota dhiirigelinta iyo ka warhaynta Da’a yarta dalka.

 silaanyo5 silaanyo4 silaanyo3 siilaanyo2 siilaanyo1

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha inuu maanta dhiiri-geliyo Ardaydan Kulliyadda Badda, waxa uu yidhi “aWan ku faraxsanahay in aan galabta wakhti la qaato lana dabaasho kuna dhiiriyo dhalinyarada Dalka qaar ka mid ah inay dalkooda wax ku bartaan oo ay soo baxaa dhalinyaro aqoon dheeriya u leh baddooda, waxanan ku dhiirigelinayaa inta kale een nasiibka u helin inay bada wax ka bartaan inay ku dhiiradaan oo ay ku dedaalaan inay dalkooda wax u bartaan kuna kalsoonadaan oo aanay ka tahriibin naftoodana aanay haligin.”

IMG_0028

Berberanews.com

info@berberanes.com