Madaxweyne Ku-xigeenka oo Guddi Qaran u Magacaabay Aaska Maxamed Saleebaan Tubeec

Hargeysa(Berberanews):-Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa magacaabay Guddiga qaban-qaabada iyo diyaarinta Aas Qaran oo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil loogu samayn doon Allaah ha u naxariistee Fannaankii caanka ahaa Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo Salaasadii toddobaadkan ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal waddanka Jarmalka.

saylici

Guddiga uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland u magacaabay diyaarinta Aaska Qaran ee loo samaynayo Meydka Fannaankii aadka u codka macaanaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec, ayaa isugu jira Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno, Masuuliyiinta Maamulka gobolka Saaxil, Degmada Berbera, Dekedda Berbera, Abwaanno iyo Xubno kale, sida lagu sheegay Wareegto uu Madaxweyne Ku-xigeen Saylici caawa ka soo saaray Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Allaah ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec oo ahaa Fannaanka lagu naanaysi jiray Boqorka Codka, ayaa ku dhashay Tuulada Laalays oo ka tirsan Degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil 1941-kii, isla markaana waxa intii aanu dhiman ku dardaarmay in marka uu dhingto lagu aaso magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo ay Walaalkii iyo qoyskooduba deggan yihiin.

Waxaanay Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici ee uu ku magacaabay Guddiga qaban-qaabada Aaska Qaran ee Meydka Marxuum Maxamed Saleebaan Daahir (Tubeec) oo Meydkiisa laga soo qaadi doono maalmaha soo socda waddanka Jarmalka, ay u qornayd sidan:-

“U Jeedo Magacaabis Guddi Aas Qaran

Mudanayaal

Sida Aan La Socono Waxa Dalka Jarmalka Ku Geeryooday Fanaankii Waynaa Ee Maxamed Suleebaan Tubeec(AHN) Waxa Ay Dawladu U Samayn Doontaa Aas Qaran .

Haddaba Waxa La Idiin Magacaabay Guddida Qaban- Qaabada Aaska Marxuunka Waxaanad Isku Duba Ridi Doontaan Habsami U Socdka Hawsha Aaska.

Marxuumka Waxa Lagu Aasi Doonaa Magaalada Berbera Ee Gobolka Saaxil Oo Uu Ku Dhashay, Ku Barbaaray Kuna Dardaarmay .

Guddida Uu Madaxweyne Ku Xiggeenka U Magacaabay Aaska Marxuun Maxamed Suleebaan Tubeec Ayaa Kala Ah

1-   Wasiirka Wasaarada Dhanliyarada Iyo Ciyaaraha

2-   Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Warfaafinta

3-   Wasiiru Dawlaha Madaxtoonyada

4-   Wasiir Ku Xiggeenka Amniga

5-   Badhasaabka Gobolka Saaxil

6-   Maayirka Magaalada Berbera

7-   Maareeyaha Dekeda Berbera

8-   La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Bulshada

9-   Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi)

10-   Abwaa Xasan Xaaji C/Laahi(Xasan Ganey)

11-   Boqor Axmed Ugaas Iimaan

12-               Maxamed Xasan Cali (Waji).”