Midowga Afrika oo Soo Dhaweeyay Qabashada Degmada Buulo Barde:War-Saxaafadeed

Ethiopia(berberanews)Ciidamada dowlada Soomaaliya oo taageero ka helayo ciidamada AMISOM ayaa caawa la wareegay magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan,taasi oo lix ka dhigeysa tirade magaalooyinka labadii todobaad ee ugu danbeyay laga xoreeyay argagixisada xiriirka la leh Al- Qaacida ,sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan midowga afrika.

mahamat-annadiif-afrika

Wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in qabashada magaalada Buulo Barde ay guul weyn u tahay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,ayna kor u qaadeyso dadaalka dib u soo celinta nabadda ee ka socda Soomaaliya.

Howlgalka sida wada jirka ah ay u wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo bishan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay shan magaalo oo ku yaala gobolada Bay iyo Bakool oo ka tirsan Sector 3-aad, waxaana ka mid ah magaalooyinkaasi Xudur, Rabdhuure,Ted, Weel dheyn iyo Burdhubow.

“Buulo Barde oo ka tirsan gobolka Hiraan oo ah Sector 4-aad ee howlgalka AMISOM ayaa istiraatiiji u aheyd Al-Shabaab,waxeyna xarun iyo hooy ay u aheyd boqolaal ka tirsan argagixiada xidhiidhka la leh  Al-Qaacidada,qabashada ay magaaladaasi qabsadeen ciidamadeena geesiyaasha ah waxa ay kor u qaadeysaa dadaalkeena ku aadan sidii nabad iyo deganaasho loogu soo celin lahaa Soomaaliya,” Ayuu yidhi Ambassador Annadif

.

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland