Ruushka oo sheegay inaanu diyaar u ahayn dagaal uu la galo Ukraine

BBC-Wakiilka Ruushka u fadhiyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Ruushku uusan doonayn inuu dagaal la galo Ukraine iyadoo iska hor imaadyo ay ka dhaceen magaalada Donestk.

Vitaly Churkin waxaa uu u jawaabayay Ra’iisalwasaaraha Ukraine Arseniy Yatsenyuk.

Churkin ayaa si weyn u difaacay xaqa ay dadka gobolka Crimea u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.

Arrinta ayaa ku soo beegmaysa iyadoo iska hor imaadyo ay dhexmareen taageerayaasha Ruushka iyo Ukraine.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay dhowr kalena way ku dhaawacmeen.

Qalalaasihii ugu horreeyay

Waa qalalaasihii ugu horreyay ee dalkaas ka dhaco tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Ruushka u janjeeray ee Viktor Yanukovych.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa si weyn isugu khilaafsan arrinta Ukraine.

Waxay maanta ku shirayaan magaalada London oo ay ka wada hadlayaan arrinta Ukraine.

Ukraine 

Xoghayaha arrimaha dibeda ee Maraykanka John Kerry ayaa lagu wadaa in uu uga digo dhiggiisa dalka Ruushka in ciidamada ay geeyeen gobolka Crimea iyo aftida la qorsheenayo in todobaadkan laga qabto aayaha gobolkaas ay u horseedi karaan cunaqabatayn ay Maraykanka iyo Midowga Yurub ku soo rogaan Ruushka.

Xogahayaha arrimaha dibeda ee Ruushka ayaa la filayaa in uu sheego in ay tahay in Ruushku aanan loo arag mid xadgudub ka geystay dalkaasi Ukraine.

Waxa uu mar kale ku doodi doonaa in mushkilada ka taagan Ukraine ay sabab u tahay afgambiga ka dhacay Kiev ee ay taageereen reer galbeedka kaasi oo xukunka looga tuuray madaxweyne la soo doortay.

Wadahadladan ayaa loo arkaa in ay yihiin fursadii ugu dambeeysay ee sarakiisha sare ay ka yeelanayaan mushkiladda Ukraine ka hor inta aanan la qaban aftida maalinta Axadda.