Khasaaraha ka dhashay gaadhi lagu qarxiyay Hotel Maka al-Mukarama

Muqdisho(Berberanews):-Baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, ayaa maanta ku qarxmay meel dibedda ka ah Hotel Maka Al-mukarama ee magaalada Muqisho.

Boliiska ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhaawacmeen markii gaarigaas oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu hor qarxiyay hotel Maka al-Mukarama oo ku yaal bartamaha magaalada ciisimadda ah.

Saraakiil dowladda ka tirsan ayaa waqtigaas hotel-ka ku jiray. Afhayeen dowladda u hadlay waxaa uu sheegay in weerarka ay fuliyeen kooxda islaamiga ah ee al Shabaab oo laga yaabo inay kaga jawaabayaan weerarro milateri oo ciidammada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga ay dhowaan ku hayeen kooxdaas.

Ciidammada wada jirka ah waxay weerarradaas ku qabsadeen ugu yaraan lix magaalo oo ay hasteen al Shabaab oo gacanta ku haya deegaanno badan oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.