Muqdisho Oo Bari Aas Qaran Loogu Sameyndoono Marxuun M.SaleybaanTubeec Iyo Mooganaanta Somaliland

Muqdisho(berberanews):-Xukuummadda Soomaaliya,ayaa sheegtay in maalinta berri ah oo axad ah in aas qaran loogu samayn doono ALLAAH ha u naxariistee Marxuum Fannaan Maxmed Saleebaan Tubeec oo dhawaan cisbitaal ku yaalla dalka Jarmalka ku geeriyooday ka dib markii dhawr qaliin lagu sameeyay,

Tacsida

halka dawladda Somaliland ay ku guul-darraysatay inay Meydka Marxuum Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec ay keento laguna aaso magaalada Berbera oo uu ku dardaarmay intaanu geeriyoon in lagu aaso.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo la hadlay warbaahinta ay Dawadda Muqdisho maamusho,ayaa sheegay in Meydka Marxuum Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec maalinta berri oo axad ah in lagu aasi doono magaalada Muqdisho isla markaana loo samayn doono aas qaran,isla markaana ay ka soo qayb gali doonaan Madax iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Soomaaliya.

Dawladda Somaliland oo markii uu Fannaanku geeriyooday magacawday  guddi qaban qaabisa aas qaran oo loo sameeyo Marxuum Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec,ayaa ku guul,darraysatay inay Meydka Fannaanka keento magaalada Berbera oo uu Marxuumku ku dardaarmay intaanu geeriyoon intaan mawdku haleelin.

ALLAAH ha u naxariistee Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec oo dhalao ahaan ka soo jeeday Somaliland,ayuu aaskiisa Muqdisho ceeb ku taalla noqonayaa xukuumadda Somaliland oo ay caddaatay inay aasan kari weyday halyay ka geeriyooday oo mudnaa in dalkiisa hooyo lagu bud-dhigo.

 Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland