Wasaaradda Caafimaaddka Oo Shaacisay Qorshe Lagu Tirikoobayo Shaqaalaha Mihnada Caafimaadka

Hargeysa (BerberaNews)  Wasaaradda Caafimaaddka Somaliland ayaa sheegtay in dhawaan uu si rasmi ah u bilaabmayo Qorshe lagu Tirokoobayo Shaqaalaha ka hawl-gala Xarumaha kala duwan ee bixiya Adeegyadda Caafimaadka.

Agaasimaha waaxdda Shaqaalaha iyo Tobabaradda ee Wasaaradda Caafimaaddka Dr Ciise Cabdi Jaamac ayaa sheegay in Shaqaalahan La Tirkoobayo looga baahan yahay Shuruudo ay ka mid yihiin, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Tirikoobku waxa weeyaan dhamaan Shaqaalaha Caafimaaddka nooc kasta oo ay yihiin  ee kala duwan Dhakhaatiirta, Xirfad-layaasha, Kal-kaaliyayaasha iyo cid kasta oo ka shaqaysa Caafimaaddka, kaas oo Qof kasta looga baahan yahay inuu haysto hal shahaado Koobi ah si loo xaqiijiyo waxa uu yahay. Ujeeddada ka dambaysa waxa weeyaan in la helo xog dhab ah oo ku saabsan  Tiradda cadadka Shaqaalaha ee Dalku leeyahay, maadaama oo ay Wasaaradda Caafimaaddku ka masuul tahay Muwaadiniinta Caafimaddkooda waa in la ogaaddo tiradda Shaqaalaha Caafimaaddka. Waxa kale oo ay Wasaradda Caafimaaddku faraysaa dhamaan Xirfadlayaasha Caafimaaddka inay si mug leh uga qayb-qaataan  Tirikoobakan xog ururinta ah oo bilaabmo-doona 16-ka bisha ilaa, 20ka bishana ka bilaabi doona Gobolka Maroodi-jeex , halka 26-ka bishana uu ka bilaabmi doono Goboladda Dalka oo dhan , waana Xog qaran oo Xirafad le kastaa xaq u leeyahay inuu ka qayb-qaato”

DSC01138

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame ayaa sharaxay Muhiimadda uu Tirkoobkani u leeyaha Shaqaalaha ka hawl-gala Goobaha Caafimaaddka, waxaanu yidhi “Xogtani waxay tahay mid aad u muhiim ah anaga Wasaaradda ahaan-na noo ah, Xogtaasi waxay naga caawinaysaa in aanu inaanu Qorshayno,  Qorshihii Caafimaddka ee Dalka haddii aanan xogtan haysan waxba noo suurtoobi maayaan , markaa waxaanu doonaynaa xogtaasi inay noqoto xog aad u muhiim ah  . Wasaaradda waxa loo xil saaray inay keento Adeegyaddii Caafimaadka si loo helo Bulsho Caafimadd  qabta”

Guddoomiyaha Guddida Dhakhaatiirta  Dr. Cabdirashid Xaashi Cabdi iyo Muxyo-diin Axmed Jibriil Agaasimaha fulinta ururka Shaybaadh-layaasha ayaa iyaguna sheegay inay tiri-kooban kala qayb-qaadanayaan Wasaaradda Caafimaaddka Somaliland.

 

Berbera News/Hargeysa.