Xildhibaan Cagayare oo beeniyay inuu Bartiisa Faceboogga ku dhaliilay Wasiir Xirsi

Hargeysa(Berberanews)-Guddoomiyaha Guddida Nabadgelyada Caasimadda Hargeysa Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare), ayaa beeniyay war ay daabaceen qaar ka mid ah baraha internetka, kaasoo nuxurkiisu ahaa inuu Xildhibaanku Facebooggiisa eedo ugu jeediyay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji-cali Xasan.

Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare), oo caawa shebekadda Berberanews xafiiskeeda Hargeysa wax kaga weydiisay eedahaas, ayaa waxba kamajiraan ku tilmaamay warka ay saxaafaddu ka qortay oo uu ku sifeeyay mid laga been abuuray.

Halkan ka dhegayso Hadalka Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare) uu ku beeniyay arrintaa.

xildhibaan cago