Daawo sawirada Aaska qaran ee loo sameeyay Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec iyo Xukuumadda Somaliland Oo Fulin Weydey Dardaarankii Uu Ehelkiisa Kaga Tagay

Muqdisho (berberanews)Waxaa maanta aas Qaran magaalada Muqdisho loogu sameeyay allaha unaxariistee Fanaanka Maxamed Suleemaan Tubeec kaasoo todobaadkii hore ku geeriyooday Wadanka Jarmalka.

1-59
 

Aaska loo sameeyay Fanaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Suleemaan Tiubeec ayaa waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya uu horkacayay R/wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaalitya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuum Fanaan maxamed Sulaymaan Tubeec, wuxuuna sheegay Ra’iisul wasaaraha inuu ahaa Maxamed Sulaymaan Boqorka Codka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inuu wadani ahaa.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Fanaaniin Soomaaliyeed, iyaga oo Kooxda baambayda Soomaaliyeed ay iyana halkaasi ka gaaray Musig Baroordiiq ah.

Arrinta Ku saabsan aaska marxuunka ayaa todobaadkii in dhaafay ay galiyeen tartan siyaasadeed labada dawladood ee soomaalia iyo soomaaliland waxaana ugu danbeeyntii soo ifbaxay in xukuumadda muqdisho fuliso balanqaadkeedii ahaa in ay marxuunka aas Qaran usameeyn doonaan.

1-133 1-116 1-115 1-94 1-74 1-59 130

berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland