Madaxweyne Siilaanyo Oo Laasqoray Markii Ugu Horeeyay Booqosho Ku Tagay

Maydh(berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saaka gelinkii hore gaadhay Degmada laasqoray ee Xeebta fog ee Gobolka Sanaag.

ber

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne ka socda Somaliland deegaankaasi gaadho.

Wararka ka imanaya weftiga Madaxweynaha ayaa sheegaya in halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo isla maanta duhurnimadii ku soo laabtay Degmada Maydh oo looga qadar kariyay, Sida Ay shabakadda wararka berberanews ka heshay Bulshada Deegaanka,  ayaa dadweyne reer laasqoray kulan saacado qaatay la yeeshay.

Weftiga ayaa maanta ku sugan Degmada Taariikhiga ah ee Maydh, halkaasoo la filay inay uga sii gudbaan dhinaca Magaalada Ceerigaabo.

Dawladda Somaliland ayaa labadii sanadood ee la soo dhaafay lacag gaadhaysa Hal Milyan oo Doolar ku maal-gelisay Mashaariic laga fulinayay deegaamada Bariga Sanaa goo qaarkood Laasqoray laga hirgelinayay.

La soco wixii war ka soo kordhay….

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland