New York: Orodyahanka MO Faarax Ayaa Dhakhtarka Loo Qaaday Markii Uu Kaalinta 2aad Kagalay Oradka Half-Marathonka

New York (berberanews) Mo Farah ayaa dhulka ku dhacay islamarkaana cusbitaal loo qaaday ka dib markii uu kaalinta labaad ka soo galay tartanka half-marathon-ka ee ka dhacay New York City.

mmathfarahfallv1

Orodyahankaan oo labo biladood oo Olimbikada adduunka ah ku guuleystay ayaa lagu sawiray isagoo dhulka yaala ka dib tartanka ka hor inta aan lagu qaadin gaariga dadka curyaanta ah isticmaalaan.

Farah ayaa dhacay kala badh intii uu tartanka socday laakiin waa uu soo kabtay isagoo kaalinta labaad ku dhameystay waxaana kaalinta koowaad ka galay orodyahanka reer Kenya Geoffrey Mutai.

Waxa uu hogaaminayay orodyahano sideed ah markii uu dhacay iyada oo si kama ah lugaha la isagu dhuftay.

30 jirkan oo tartankan New York ku guuleystay 2011 ayaa soo dib ugu laabtay tartanka laakiin waxaa dhicitaankiisa ka faa’deystay Mutai kaasoo kaalinta koowaad ku dhameystay.

Orodyahanka reer Kenya ayaa ku guuleystay 60 daqiiqadood iyo 50 ilbiriqsi

mo-farah-

Berberanews-Desk

Hargeysa/Office/Hargeysa