Booqasho Taariikhi ah oo Anfariir ku Riday Maamulka Puntland iyo Ballanqaadyadii Madaxweynaha

Laas-qoray-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa booqasho iyo kormeer taariikhi ah ku tagay shalay smagaalada Laas-qoray oo ku taal cidhifka xeebta bari ee Gobolka Sanaag.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo ku tagay magaalada Laas-qoray oo 250km dhinaca koonfuureed kaga beegan magaalada dekedda ah ee Boosaaso, ayaa dad badan ku noqday arrin la yaab leh, maadaama uu yahay madaxweynihii u horreeyey Somaliland ee booqda degmadaas oo juquraafi ahaan iyo taariikh ahaanba ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, balse maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland hayb ahaan ku sheegto.

silanyo iyo Lasqoray

Madaxweynaha Somaliland oo aan booqashiida hore loo sii sheegin, waxa uu kormeeray dekedda weyn ee Laas-qoray, warshaddii kalluunka, cusbitaalka iyo qaybo kale oo muhiim ah, isagoo halkaas ku dhagax-dhigay dekedda kalluumaysi iyo mashaariic horumarineed oo xukuumaddiisu ka hirgelin doonto Laas-qoray, waxaannu kulamo kala duwan la yeeshay waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo bulshada ku dhaqan degaankaas oo si weyn u soo dhoweeyey.

Madaxweyne Siilaanyo oo hadal u jeediyey dadweynaha ku dhaqan Laas-qoray, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ahmiyad weyn siinayso sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee degmadaas, waxaannu uga mahad-celiyay sida diirran ee dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi u soo dhaweeyeen weftigiisa.

“Farxad wayn bay noo tahay aniga iyo wefti nala socdaba sida sharafta iyo qiimaha leh ee wanaagga iyo kalgacalka leh ee naloogu soo dhaweeyey magaalada Laasqoray oo ah magaalo taariikh iyo magac wayn leh, waa magaalo bad iyo miyiba leh, oo nimcooyin badan leh. Annagoo maantana (shalay) soo aragnay warshadda iyo dekedda oo aannu ku soo wareegnay, dugsigii waxbarashadana waanagan joogna. Waxaannu idinka ballanqaadaynnaa sidii wasiirrada iyo raggii iga horreeyeyba sheegeen in aannu baahiyaha halkan ka jira mudnaanta kowaad siinno oo aannu wax ka qabanno. Meelaha u baahan in wax laga qabto oo dhan; haddii ay caafimaad tahay, tacliin tahay, haddii ay xagga warshadda iyo dekedda tahayba in aannu intaba waxaannu ka qaban karno waannu ka qabanaynaa.

Idinkana aad iyo aad baan idiinku mahad-celinayaa sida fiican ee aad noo soo dhawayseen. Waad aragtaan wasiirro iyo madax badan ayaannu wada soconnaa oo waannu qorannay wixii aad baahiyo sheegateen oo dhan, waxna waannu ka qabanaynaa isha Allaahu ee wada-shaqayn fiican,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha oo ay weheliyeen wasiirro xukuumaddiisa ka tirsan, taliyeyaasha ciidammada booliska iyo millateriga, waxa magaalada Laas-qoray ku soo dhaweeyey dadweyne aad u badan oo u riqaaday booqashada taariikhiga ah ee madaxweyne ka socda Somaliland ku tago degaankaas 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo ka hadlay halkaas, ayaa Madaxweynaha hortiisa ka ballanqaaday in wasaaraddiisu ka shaqaysiin doonto cusbitaalka magaalada Laas-qoray oo aan xilligan wax shaqo ah ka socon, isagoo xusay inay cusbitaalkaas dib u furi doonaan, isla markaana ugu deeqayo baabuur ambalaas ah oo gargaarka degdegga ah loogu talogalay.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Laas-qoray, ayaa iyaguna dhankooda weftiga Madaxweynaha uga xog-warramay duruufaha kala duwan ee ka jira degaankaas, iyagoo tilmaamay in adeegyada bulshada ee degmada Laas-qoray aad u hooseeyaan, loona baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto, waxayna Madaxweyne Siilaanyo ka codsadeen in xukuumaddiisu inay ka hawlgasho sidii looga taageeri lahaa hirgelinta adeegyadda aasaasiga ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo safar dhinaca lugta ah ku maray degaannada xeebta Somaliland, waxa intii aannu gaadhin degmada Laas-qoray uu sii maray magaalada xeebta ku taal ee Maydh, isagoo meelaha uu maray kulamo kula yeeshay dadweynaha iyo waxgaradka ku dhaqan, waxaannu xusay in xukuumaddiisu wax ka qaban doonto baahiyaha kala duwan ee uu la kulmay muddada toddobaadka ah ee uu safarka ku jiray.

Silanyo iyo Lasqoray2

Dhinaca kale, Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegay inay anfariir ka qaadeen safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagay magaalada dekedda ah ee Laas-qoray oo maamulkaasi hayb ahaan ku sheegto, balse taariikh ahaan iyo juquraafi ahaan ka tirsan dalka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Mr. Cabdiweli Xirsi Indho-guran oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in safarka Madaxweyne Siilaanyo maamulkiisa ku noqday anfariir aanay filayn, isagoo xusay in Somaliland daandaansi ku wado Puntland.

“Puntland waxay diyaar u tahay inay difaacdo xaduuddeeda, waxayna ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhexmarta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed. Waxaan aad uga xun nahay dhacdaasi dhacday annagoo ka fakaraynay darisnimo iyo wanaag,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Sources, Jamhuuriya