Ceerigaabo(berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo tan iyo toddobaadkii hore socdaal shaqo ku marayey gobollada dalka, ayaa maanta ka qaybgalay bilawga Munaasibad lagu furay dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco.
War qoraal ah oo ay Weftiga Madaxweynuhu ka soo direen Ceerigaabo, ayaa lagu sharraxay jewiga bilawga dhismaha waddada Ceerigaabo oo maanta laga bilaabay magaaladaas, waxaanu warkaasu u qornaa sidan:-
“Jawiga maanta oo ahaa mid layaab ku noqday weftiga madaxweynaha ku wehelinaysay safarkan loogu magac-daray Hilaacii Xeebaha Somaliland ka dib markii ay xalayto ku soo hoyden Caasimada Gobolka sanaag ee Ceerigaabo goor habeenimo ah balse ay shacbigu jawaab uga dhigeen saaka Nin daar ku jiraa daruur ma arkee ilayn xalay roobku waa da’ay, maah-maahdaas oo ahayd mid ay weftiga ku dareensiinayeen inay xalay ku soo beegmeen xili roob laxaadleh ka da’ayey Sanaag oon la isu bixin balse maanta ay ka dhigteen isu soo baxoodii kaasi oo noqday daad soo rogmaday oo kale.

Halkan Ka Dhageyso Codka
100101_002