Hargeysa(berberanews) Tixdan Gaaban waxaan tiriyay todobaadkii hore maalin ka dib dharaartii la soo sheegay Geerida Alle ha u naxariistee Hoobalkii Maxamed Saleban Tubeec.
Gabayga waxa la yidhaahdaa (Galbasho), waxaanan iftiimin aad u kooban kaga bixinayaa qiimaha uu Marxuumku soomaalida ku joogay, sida aanay xaqiiqda Geeridu wax la inkiri karo u ahayn, marka qofku dhinto alle in looga samrayo iyo in duco la raaciyo loogu baahanyahay.
Tixdu waxay sidoo kale Bulshada Soomaalida dib u xusuusinaysaa Ashkhaasta Suugaanta ku suntanayd ee saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay Geeriyooday, kuwaasoo lagu xusi karo Alle ha u naxariistee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, AHN Cali Banfas iyo Waliba AHN Faysal Cumar Mushteeg.
Gabaygan oo soo baxay isla maanta oo ay taariikhdu tahay 16/03/2014, isla markaana AHN, Maxamed Saleban Tubeec la aasay, ayaa waxa uu ku bilaamay sidan:
· Geeridu xaq weeyee warkii shalay I soo gaadhay
· Go’yay laygu yidhi Maxamedkii Geyiga Soomaali
· Guubaabo heesiyo wax badan waano gacaltooyo
· Goleyaal la haybshiyo ka yidhi Guri dhiskeediiye
· Saw dharaar kastoo Geesi baxo gabal dhaceen maaha.
· Galbay tii allaa u timi ayaan Samir ku gooyaaye
· Saddex sanoba Geedday ahayd garasho dheertiiyo
· Gugii tegay Calaa gacaleyaal loo gelbiyay Iile
· Kii ku xigayna Geedkii fankiyo Faysalbaa go’aye
· Galbay kala dambeeyeen Samoow Gaariye iyo Faysal geerida
· Maantana Gurbood kaluu malgligu gow ku soo yidhiye