Mareykanka iyo Midowga Yurub oo xayiraado ku soo rogay safarrada iyo hantida 21 sarkaal oo u kala dhashay Ruushka iyo Ukriane

BBC-Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ku soo rogay xayiraado safarrada iyo hantida 21 sarkaal oo u kala dhashay Ruushka iyo Ukriane

Waxa ay ka dambeysay qalalaasaha Ukraine ee keenay in gobolka Crimea uu goosto codsadana in uu ku biiro Ruushka.

Shakhsiyaadka lala eegtay cunaqabateynta, waxaa loo arkaa in ay door ku lahaayeen aftidii Axadda laga qaaday gobalka Ukriane oo natiijadeeda ay Midawga Yurub iyo Mareykanka u arkaan mid sharci darro ah.

Tallaabdan waxaa ay timid kadib markii baarlamanka gobolka Crimea uu ku dhawaaqay inuu ka madax banaan yahay Ukraine,kadib natiijadii aftidii shalay laga qaaday oo 96% intii codka dhiibatay ay dalbadeen in ay Ruushka ku biiraan