Taliye ka tirsan Ciidammada Puntland oo la dilay

Hiiraan-Waxaa galabta weerar gaadmo ah lagu diley taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Sugurre, Jaamac Siciid Warsame (Afguduud).
Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in taliyaha lagu diley weerar gaadmo ah oo ka dhacay tuulada Laag oo qiyaastii 25km magaalada Boosaaso Koonfurta kaga beegan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu sarkaalka geeriyoodey watey qarax lala beegsaday, halka qaar kalena ay sheegayaan nin rasaas lagu furay.
Jaamac Siciid Warsame (Afguduud) ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey ahaa taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan dhulka ka sokeeya buuraleyda Gal-gala, halkaas oo fariisin u ah Al-shabaab.
taliyaha
Isbitaalka magaalada Boosaaso ayaa lasoo gaarsiiyey isaga oo dhaawac culus qaba, halkaas oo markii dambe uu ku geeriyoodey.
Faahfaahin dheeri ah lagama hayo weerarkan iyo weliba qaabka uu u dhacay, mana jiraan ilaa iyo hadda mas’uuliyiin dowladda Puntland ka tirsan oo ka hadlay.
Warar dheeraad ah oo arrintan ku saabsan dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.