abbaanduulihii ciidamada dawladda ee gobolka Hiiraan iyo askar badan oo lagu laayay Qarax

Hiiraan(BBC)-Ugu yaraan 20 ruux oo uu ka mid yahay abbaanduulihii ciidanka dowladda ee Hiiraan ayaa ku dhintay qarax iyo dagaal ka dhacay Buulobarde.

Dagaalka ayaa ku billowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray hotelka Camaloow oo ay daganaayeen saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Qaraxa kaddib waxaa billowday dagaal toos ah oo la isu adeegsaday hub culus.

hiiraan

Dagaal culus

Dadka dhintay waxaa ka mid ah abbaanduulihii ciidamada dawladda ee gobolka Hiiraan Col Maxamed Amiin.

Weriyaha BBC ee Muqdisho ayaa sheegay in is-gaadhsiinta Buulobarde iyo tan Beledweyne ay labaduba hawada ka maqan yihiin.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lix dagaalyahan lagu dilay goobtaas.

Berberanews.com

info@berberanews.com