Madaxweyne Xasan oo Cusbitaalka ku booqday askar ku dhaawacantay weerar Al-shabaab ku qaaday xalay-Sawirro

Mudqihso-(Berberanews)-Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegay cusbitaalka Xalane oo la dhigay dhaawacyadii ku wax yeeloobay weerarkii Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xalay ka geysteen Degmada Buulo-Barde

Safaka Madaxweynaha waxa ku weheliyay Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan, Taliyaha Ciidanka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi iyo saraakiil kale.Madaxweynaha iyo saraakiisha la socotay markii ay gaareen Isbitaalka Xalane waxa ay kormeereen qolalka ay yaalaan dhaawacyada, waxaana Madaxweynuhu uu mid mid u dul istaagay askarta dhaawaca.

m6 m5 m4 m3 m2 m1