Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo Xukun Iyo Ganaax Ku Riday Eedaysanayaal Lagu Qabtay Mukhaadaraad

Hargeysa (Berberanews) -Khamrigan eedaysanayaasha lagu xukumay oo ka koobnaa kun iyo Shan Litir ayaa laba todobaad ka hor ay Ciidamadda Boolisku ku soo qabteen Waqooyiga Magaladda Hargeysa,  kaas  babuur ay ku wateen laba Nin oo maanta Maxkammadda Gobolka Hargeysa ay ku riday min saddex sano iyo ganaax lacageed.

Garsoorihii Xukunka ku riday eedaysanayaasha ayaa sharaxay qaabkii uu u dhacay Xukunkaasi “Labadaasi Dambiile oo lagu soo qabtay 35 Jiirkaan oo Khamri ah oo midkii-ba u dhigmo 1,000 iyo 50 Litir oo Khamri ah iyo Baabuur Suraf ah oo lagu soo qabtay waanan ku amaanayaa Booliskii soo qabtay. Nabigeenii SCW Toban jee ayuu nacdalay ka iibinaya, ka cabaya iyo ka loo shubayo Khamriga, markaa waxa jira Xeer Lr 21 oo  ah Xeerka la dagaalanka Mukhaadaraadka kaas baanu ku xukunay”

Mukhadarad1

 

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed ayaa Ciiddamadda Boolis ku bogaadiyay Talaabaddan ay ku Qabteen Mukhaadaraadkan, Waxaanu yidhi “ Waxaan aad ugu hambalayayaynayaa Taliyaha qaybta Booliska , Taliyaha Saldhiga iyo dhamaan Ciidanka Booliska hawl-galka adag si ay Shacabkooda uga bad-baadiyaan dhaqan xumadda, Boobka iyo wixii Mukhadaraad ah ee Dalka soo galaya waanan ku bogaadinayaa”


Fooxle

Berberanews.com

info@berberanews.com