Ruushka oo ku tallaabsaday aqoonsiga Crimea, cunaqabaynta Maraykanka iyo Midowga Yurub kadib

BBC-Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin ayaa saxiixay amar lagu aqoonsanayo madaxbanaanida Gobolka Crimea.
Sharcigan waxaa uu u dhaqan galayaa sida ugu dhakhsaha badan, waana tallaabo kumeelgaadh ah inta aanay Crimea ku biirin Ruush-ka.

Cunaqabataynta Maraykanka iyo Europe

Tallaabadaasi waxay timid wax yar kaddib markii Maraykanka iyo Midowga Yurub ay soo rogeen cunaqabatayno lagu bartilmaameedsanayo saraakiil muhiim ah oo u dhashay Ruushka iyo Ukraine.
putin
Dadkan ayaa lala xidhiidhinayaa inay qayb ka ahaayeen faragelinta Ruushku uu ku sameeyay gobolka Crimea.
Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa sheegay in Ruushku uu cawaaqib xumo kala kulmi doono kicintii uu kiciyay dadka gobolka Crimea taas oo u horseeeday inay u codeeyeen inay Ruushka ku biiraan.