Shirkad Doonaysa inay Sannadka 2015 Ceel Shidaal ka Qoddo Somaliland oo Khasaare Xooggan la Kulantay

London (Jam/Alliance News)- Shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Sterling Energy PLC, ayaa shaacisay in hoos-u-dhac weyni ku yimi dakhligeeda u soo xerooday sannadkii 2013, iyadoo shirkaddu sheegtay inay Somaliland ka bilaabayso baadhitaan shidaal si ay fursad ugu hesho korodh ku yimaad dakhligeeda.

Qaar ka mid ah saxaafadda Ingiriiska, gaar ahaan Alliance News, ayaa lagu baahiyey in Shirkadda Sterling Energy qoraal ay soo saartay Isniintii shalay ku caddaysay in hoos-u-dhac ku yimi dakhliga shirkadda, balse macaashka cashuurtu ku jirto (Pretax Profit) ee shirkaddu sannadkii 2013 sare u kacay 33% marka loo eego macaashka ay heshay sannadkii 2012.

Goobaha-Somaliland-ee-shidaal-baadhistu-ka-socoto

Waxa shirkadda Sterling Energy sheegtay in hoos-u-dhac weyni ku yimi dakhligooda qiyaas dhan 18%, iyadoo heshay dakhli gaadhaya $18.4 milyan oo dollar, halka ay sannadkii 2012 ka heshay dakhli dhan $22.5 milyan oo dollar, waxayna Shirkadda shidaalku tilmaantay in hoos loo dhigay kharashadaadka la isticmaalo si looga hortago khasaare, loona kobciyo dakhliga shirkadda, halka shirkaddu heshay macaash aan cashuur laga bixin oo dhan $7.3 milyan dollar, marka loo eego macaashka soo galay sannadkii 2012 oo xadigiisu ahaa $5.5 milyan oo dollar, taasoo muujinaysa in macaashkooda cashuurtu ku jirto sare u kacay 33%.

Shirkadda Sterling Energy waxa kale oo ay tilmaantay in hoos-u-dhac ku yimi xadiga shidaalka ay soo saartay sannadkii 2013, kaasoo dhamaa 2.2 milyan oo foosto, halka sannadkii 2012 la soo saaray 2.6 milyan oo foosto, hoos-u-dhacaas oo dhan 17%, iyadoo sidoo kale shirkaddu sheegtay in 18% hoos-u-dhac ku yimi qiimaha iibka wax-soo-saarkeeda, waxayna dhinaca iibka ka heshay sannadkii 2013 lacag dhan $9.8 milyan oo dollar, halka uu sannadkii 2012 ka ahaa $12.0 milyan oo dollar, iyadoo ay arrintaas sababtay hoos-u-dhac ku yimi shidaalka shirkaddu ka soo saarto dalka Mauritania (Muritaaniya) oo ku yaal Qaarada Afrika.

Shirkadda Ingiriiska ah ee Sterling Energy, ayaa sheegtay inay bishii February ee sannadkan shidaal qoddis ka bilawday dalka Cameroon (Kamaruun), isla markaana bartilmaameedkeedu yahay in sare loo qaado dhinaca wax-soo-saarka shirkadda, iyadoo rajaynaysa inay heli karto 450 milyan oo shidaal ah si dhaqaalaheedu u kordho.

Waxa kale oo Shirkadda Sterling Energy sheegtay Isniintii shalay inay hayso kharash ay ku maalgeliso mashaariic kale oo ay ka fulinayso dalalka Somaliland iyo Madagascar, iyadoo si gaar ah shirkaddu u xustay inay fursado maalgashi ka raadinayso degaanka Oodweyne ee dalka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ay rumaysan tahay, faham dheeraad ahna ka haysato qaninimada shidaalka Somaliland oo shirkadu xustay inay suurtogal tahay in qodista ceel shidaal laga bilaabo sannadka 2015.

Shirkadda Sterling Energy waxay dawladda Somaliland heshiis dhinaca shidaal baadhista la gashay sannadkii 2013, iyadoo saami ka iibsaday dhulka shidaalka laga baadhayo ee degaanka Oodweyne.

Xigasho Jamhuuriya