“Siillaanyo Maalinta Wakhtigu Ka Dhamaaddo, Haddii Doorasho Dhici Weydo Albaabkuu Ka Baxayaa” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa-(Beberanews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Eng. Faysal CaliM Waraabe oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu safar Todobaado qaatay ugu maqnaa Dalala ka mid Ah Afrika ayaa sheegay in aanay Xisbi ahaan aqbalayn Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Saxaafadda kula hadlayay Qolka Nasahadda ee Madaarka, waxa uu yidhi “Siilaanyo maalinta uu wakhtigu ka dhamaaddo, haddii ay Doorasho, Soomuu odhan jirin (Madaxweyn Siillaanyo) ha ka soo baxo Daahir Rayaale, soo muu odhan jirin Sanad lagu dari-maayo. Tii-baa maanta taagan. Dawladda baa la samaynayaa ku meel gaadh ah oo aan KULMIYE ahayn, laakiin kordhis dambe  lama yeelayo. Golaha Guurtidda  iyo Wakiiladda ayaa xaraan ku fadhiya”

Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isna dhiniciisa sheegay in aanay ogolaanayn muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaana hadda soo baxaya warar sheegaya in Xukuumaddu damacsan tahay muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo.

Berbera News/Hargeysa