Arjen Robben oo heshiis cusub la galay Bayern Munich

Ciyaaro-(Berberanews)-Naadiga Bayern Munich ayaa ku shaacisay boggeeda Internet-ka inay heshiis cusub oo ku eg ilaa June 2017-da ay ka saxiixatay laacibkeeda lugta bidix ee Arjen Robben.
Xiddigan reer Holland ayaa heshiiska uu kula joogay Bayern Munich waxa uu ka dhacayay 2015-ka, kooxo badan ayaana indho indheenayay xaaladiisa  Allianz Arena hayeeshee laacibka ayaa ku sii nagaan doona Munich ilaa 2017-da.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in heshiiska la saxiixay iminka, waana sii wadi doonaa inaan koobab kula dagaalamo Bayern Munich” ayuu yiri 30-jirkan.Robben
Robben ayaa ku soo biiray Bayern Munich 2009-kii kolkaa uu ka soo tagay naadiga Real Madrid wuxuuna kula guuleystay Bayern 2-jeer horyaalka Jarmalka 2-jeer koobka DFB Pokal iyo Champion League.