Maayarka Caasimadda oo Hargeysa ka raadinaya dad soo dhaweeya Madaxweynaha

Hargeysa (Beberanews) Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)  ayaa shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ugu baaqay inay soo dhaweyn balaadhan u sameeyaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo oo beri ku soo laabanaya Hargeysa, kaas oo maalmihii u dambeeyay safar ku marayay qaar ka tirsan Goboladda Somaliland.

Maayarka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaldda Hargeysa ayaa waxa uu baaqiisaasi uu u diray shacabka ku yidhi sidan “Beri waxaynu u diyaar garoobaynaa soo dhaweyntii Madaxweynaha  oo safar aad u dheer oo qiimo u lahaa Shacabka Somaliland , markaa waxaan leeyahay ku dhaqan Caasimadda beri ha loo diyaar-garoobo sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha “

Maayarka Hargeysa

Maayarku waxa kale oo uu shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa u soo jeediyay inay ilaaliyaan Nabad-gelyadda, waxaanu yidhi “Waxaan  Shacabka leeyahay hadd iyo jeer amaankii-na ilaashadda oo ka feejignaadda oo wax kasta oo aad aragtaan la soo socodsiiya Masuuliyiinta Amaanka “

Berberanews.com

info@berberanews.com