“Ninka Garoowe Ka Hadlayay, Waxaan Leeyahay Madaxwenaha Wey U Qorshaysnayd Inuu Tago Laas-qoray” Wasiir Ku Xigeenka Macdanta

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdisalaan  Maxamed Xasan ayaa sheegay in socdaalkii uu Madaxweyne Siilaanyo Todobaadkan ku tagay Degmadda Laas-qoray ku  tilmaamay mid soo qorshaysnaa.

Wasiir ku xigeenka oo Qolka Nasahadda ee Madaarka Hargeysa kula hadlay Warbaahinta oo Wafti uu hogaaminayay Wasiirka Macdanta iyo Tamartu ka soo laabteen safar ay ku tageen Dalka Chaina.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Nin Wasiirka Warfaafinta Puntland sheeganayay oo Garoowe ka hadlayay ayaan rabaan inaan halkan kalmad ka idhaahdo, kaasi oo Bookhashadii Madaxweynaha ee Laas-qoray ku sheegay iska soo galis. Runtii waxaan leeyahay Iska hadloow ina Igarre”,

 Wasiir-xigenka ganacsiga

Wasiir ku xigeenku waxa kale uu intaas ku daray   “Waad iska hadashay ee way qorshaysnayd Tagida Laas-qoray ee Madaxweynuhu. Wakhtigii Madaxweynuhu ugu talo galay ayuu joogay, Mashaariic ayuu dhagax dhigay, INSHA ALLAH, isagaana xadhiga ka jaraya markay dhamaadaan oo wuu ku soo noqonayaa” ayuu yidhi Wasiir Xigeenka Macdanta iyo Tamarta.

Maamulka Puntland ayaa safarka uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Laasoqray ku tilmmaamay xad-gudub xuduudeed.

Bebera News/Hargeysa.