Isra’il oo weerar cirka ah ku qaadday Syria

BBC-Isra’iil ayaa weerarro dhanka cirka ah ku qaadday goobo ay degan yihiin militeriga Suuriya.

Weerarrada dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday xarumo tababar iyo xarun ay leyihiin militeriga Suuriya.

Dowladda Isra’iil ayaa sheegtay in weerarradan ay ugu jawaabayeen qarax lala eegtay ciidammada Isra’iil.

bbc

Afar askari

Waxaa weerarka ku dhaawacmay ugu yaraan afar askari oo reer Isra’iil ah.

Dowladda Suuriya ilaa haatan kama hadlin arrintan.

Dalka Suuriya waxaa ka socda dagaal sokeeye oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka hubaysan ee ka soo horjeeda.